​Duqayn lagu dilay sarkaal katirsan Daacish

Image

Qoraal kasoo baxay Aqalka Gaashaan dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee IS.

Weerarka oo ay fuliyeen diyaaraha dagaalka xukuumadda Washington ayaa lagu dilay Cumar Al-Shishani  oo ahaa Taliyaha Daacish u qaabilsan Galbeedka Ciraaq.

Duqaynta ayaa Pentagon-ka Maraykanku sheegay inay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Al-Shadadi oo ku taal dalka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan Drones.

Hogaamiyaha la dilay ayaa u dhashay dalka Georgia, waxaa la sheegaa inuu ahaa xubnaha fir-fircoon ee katirsan kooxda Daacish iyadoo la aaminsayahay in door muhiim ah ku lahaa weerarada kooxdu ka fuliyaan qaybo kamid ah Bariga dhexe.

Dhinaca Daacish weli arrintaasi kama hadlin.

Shishani, ayaa dhashay sannadkii 1986, wuxuuna aha sarkaal mar katirsan ciidamada waddanka uu kasoo jeedo, balse wuxuu sannadkii 2008 ku biiray kooxaha jihaad doonka ah isagoo la sheegay inuu kasoo qayb qaatey dagaallo ka dhacay dalka Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM