Duqeyn ay Israa'iil la beegsatay xero barakac oo dishay 70 qof

Image
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa shaaca ka dhigtay in laga yaabo in dhimashadu ay sii kororto.

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in duqayn dhanka cirka ah oo Israel ku beegsatay xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taal bartamaha marinka ay ku dishay ugu yaraan 70 qof.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in laga yaabo in dhimashadu ay sii kororto marka la eego tirada badan ee qoysaska ku noolaa deegaanka.

Milateriga Israa'iil oo qiil u yeelaya beegsigan aan loo meel-dayin ee rayidka lagu laayay ayaa BBC-da u sheegay in ay eegayaan wararka ku saabsan duqeynta cirka ah.

Warbaahinta Israel iyo Carabta ayaa warisay in Masar oo xuduud la leh Marinka Qaza ay soo bandhigtay hindise cusub oo xabad joojin ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas.

Tobaneeyo qof oo dhaawac ah ayaa laga soo qaaday magaalada Maghazi iyadda oo la geeyey isbitaalka Al-Aqsa halkaas oo xaaladooda caafimaad ee liidata lagu daaweynayo.

Muuqaallo aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa waxa ay muujinayaan qaar ka mid ah wejiyada carruurta oo ay ka buuxaan dhiig iyo bacaha jirkooda oo bannaanka tuban.

Wasaaradda caafimaadka ayaa wuxuu caddeeyay in saddex guri la weeraray gelinkii dambe ee Axaddii. Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Ashraf al-Qudra, xaafad ay dadku ku badan yihiin ayaa la burburiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM