Duufaan in ka badan 70 qof ku dishay Mareykanka

Image
Image
Image
Madaxwayne Joe Biden oo si tiiraanyo leh tacsi ugu diray qoysaska dadkooda ku waayey dhacdadan.

WASHINGTON, USA - Barasaabka gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in in ka badan 70 qof ay ku dhinteen duufaano habeenkii Jimcaha ku dhuftey qaybo kamid ah ismaamulkaas.

Andy Beshear ayaa sheegay in tiradaasi ay kor u dhaafi karto 100 ruux. Tobannaan qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen gudaha warshadda shumaca ee magaalada Mayfield.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay iyadoo duufaannada dabaylaha wata ay dhibaato ka geysteen gobollo kale, oo uu ku jiro mid ku yaalla bakhaarka Amazon ee Illinois.

Mr Beshear ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay Kentucky. Wuxuu sheegay in waxyeelada duufaanta uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee abid soo mara gobolka.

Mayfield iyo meel kasta oo ku teedsan dariiqa 227-mile (365-km) ee duufaanta - ku dhawaad ​​dhammaan gudaha Kentucky - waxaa soo gaarey burbur," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waa wax aan la sifayn karin, si ka duwan wax kasta oo aan weligay arkay," ayuu yidhi. "Meel walba waxaa laga soo sheegay dhimasho. Waa nasiib haddii la arko geed taagan".

Madaxwayne Joe Biden oo si tiiraanyo leh tacsi ugu diray qoysaska dadkooda ku waayey dhacdadan ayaa ku nuux-nuux-sadey in dowladdiisu gargaar gaarsiineyso dadweynaha ay waxyeelada daran soo gaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM