Duufaan xooggan oo ku dhufatay qayb kamid ah Canada

Image
Image
Image
Khasaaraha ayaa la sheegay in uu isugu jiro mid nafeed iyo maaliyadeed. Tirokoob rasmi ah ayaa ku socda waxyeeladda.

TORONTO, Canada - Duufaan halis ah oo ay saraakiishu ku tilmaameen musiibo cimilo oo dhacda qarnigii hal mar ayaa goysay jidad iyo tareennada isku xidha magaalada Vancouver ee dalka Canada.

Labo waddo oo isku xirta magaaladan dhacda Xeebta Galbeed ayaa xirmay kadib markii ay waxyeelo ka soo gaartay daad xooggan.

Kumanaan qof ayaa lagu qasbay in ay ka baxaan guryahooda, sababo la xiriira duufaanta weyn, ee dhacday Isniintii.

Haweeney ayaa ku dhimatay dhul go’ ka dhacay waddo weyn, waxaana gurmadayaasha ay sheegeen in ugu yaraan labo qof oo kale la la’yahay.

Gaadiidleyda Kathie Rennie ayaa u sheegtay CBC News inay aragtay dhul go'a oo ku soo dhacay taraafikada oo markii horeba taagnayd koonfurta Lillooet.

"Muuqaalka horey wuxuu muujinayaa in ay ahayd tsunami soo socda, waxay ahayd arrintii ugu cabsida badnayd ee aan abid arko," ayay tiri.

Duufaantan ayaa timid ka dib markii British Columbia ay la kulantay kulayl aad u sarreeya xagaagii hore kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, iyo dab ka kacay oo baabi'iyay magaalo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM