Duulimaadkii ugu horeeyay Israel oo cagadhigtay Imaaraadka

Image
Image

ABU DHABI, UAE - Duulimaadkii ugu horeeyay oo ganacsi ah kana soo baxay garoonka Yahuuda ee Ben Gurion ayaa Isniinta maanta ah wuxuu cago-dhigtay Imaaraadka Carabta. Diyaaraddan waxay adeegsatay hawadda dalka Sacuudi Carabiya.

Duulimaadka El Al waxaa la socday wafdi Israa'iil ah oo uu hogaaminayey lataliyaha amniga, Meir Ben-Shabat, iyo diblumaasiyiin Ameerikaan ah oo uu horkacayey Jared Kushner, oo uu sodog u yahay madaxweyne Donald Trump ahna lataliyihiisa gaarka.

Kushner oo war-fidiyeenka kula hadlay madaarka ayaa duulimaadkan ku qeexay "talaabo taariikhi ah" oo ay daawatay dunida Carabta iyo Islaamka.

"Tani waa rajo aad u weyn, waxaana aaminsanahay in ay nabad iyo barwaaqo u horseedeyso gobolka [Bariga Dhexe] iyo guud ahaan caalamka," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay xafiiska ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, kulan saddex geesood ah ayna qayb ka yihiin wakiilo ka kala socda dowladaha Mareykanka, Imaaraadka iyo Israa'iil ayaa ku qabsoomi doono magaalada Abu Dhabi.

Ra'iisul wasaaraha Falastiiyiinta, Mohammed Shtayyeh oo xusay in dadkiisa ay la yaabeen duulimaadkan, ayaa yiri "Waxay xanuun aad u daran u tahay Falastiiyiinta in ay arkaan diyaarad laga leeyahay Israa'iil oo ka dageysa garoon Imaaraadka leeyahay".

Bishaan August, 13-keeda aya ahayd markii Imaaraadka iyo Yahuuda ay ku dhawaaqeen heshiis Mareykanka garwadeen ka ahaa kaasoo ay cilaaqaadkooda ugu soo celiyeen xaalad dabiici ah isla markaana dib u furayaan safaaradahooda.

Kooxaha u ololeeya qadiyada Falastiiyiinta ayaa ku cambaareeyay Imaaraadka heshiiskaas ay sheegeen in uusan u adeeganeyn arrimahooda isla markaana uu inkirayo xuquuqda aas-aasiga ah oo ay u dagaalamayeen sanadihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM