Duuliye waday diyaarad kusii jeeda Istanbul oo hawada ku geeriyooday

Image
Diyaaradda oo ka duushay magaalada Seattle ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada ayaa u jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si deg deg ah uga dagtay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii uu geeryooday duuliyihii waday, xilli bartamaha looga jiray duulimaadka diyaarada.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Seattle ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada ayaa u jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Duulimaadka oo sumadiisu ahayd TK204 aya waxaa sii waday duuliye kale iyo kaaliyaha duuliyaha kuwaasoo go'aansaday in ay si degdeg ah u degaan, laakiin wuu dhintay ka hor inta uusan soo degin".

Duuliye 59-sano jir ah oo u shaqeynayay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines tan iyo 2007-dii, ayaa ku guuleystay baaritaan caafimaad bishii March, kaasoo aan muujinin wax dhibaato caafimaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM