Elon Musk oo cod geliyey joogitaankiisa shirkada Twitter

Image
Xitaa haddii uu iska casilo xilka agaasimaha, waxa uu sii ahaan doonaa mulkiilaha shirkadda.

WASHINGTON, USA - Dadka isticmaala Twitter-ka ayaa cod u qaaday milkiilaha iyo maamulaha shabakadan, Elon Musk, waxayna si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu baneeyo hoggaanka shirkadiisa.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Musk laf ahaantiisa uu dadka weeydiiyay codkooda, isaga oo sheegay in haddii ay u codeeyaan in uu xilka ka dago uu tixgalinayo ra'yiga dadweynaha.

Wax ka badan 17 milyan oo qof ayaa codkooda dhiibtay, iyada oo 57.5% ka mid ah ay u codeysey ‘Haa’ oo micnaheedu yahay in uu xilka ka dago, halka 42.5% ay kasoo horjeedsadeen.

Markii ay soo baxday natiijada codbixinta ayay islamarkiiba sare u kaceen saamiyada suuqa ee shirkadiisa baabuurta samaysa ee Tesla, sidda ay ku warantey warbaahinta Mareykanka.

Musk ayaa mar aanan fogeyn Twitter ku iibsaday $44 bilyan oo doolar, isaga oo eryay kala bar shaqaalihii oo ay ka midyihiin maamuleyaashii, kadibna isaga ayaa la wareegay hoggaanka.

Lama oga sababta ka dambeysa in Musk uu cod galiyo sii joogitaankiisa xilka. Balse xitaa haddii uu iska casilo xilka agaasimaha, waxa uu sii ahaan doonaa mulkiilaha shirkadda.

Dad kala duwan oo horey ugu shaqayn jirey ayaa sheegay in laga yaabo in dadka maalgashtay shirkadda aysan ku qanacsanayn maamulkiisa, islamarkaasna ay ku cadadiyeen in uu xilka ka dego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM