Elon Musk oo Israa’iil kula kulmi doono Netanyahu

Image

TEL AVIV (GO) - Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa xaqiijiyay in uu maanta la kulmi doono bilyaneerka Maraykanka ah ee iska leh barta xidhiidhka bulshada ee “X” Elon Musk.

Herzog wuxuu sheegay in kulankan lagu gorfeyn doono baahida loo qabo la dagaalanka kororka Yahuud nacaybka.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa intaa ku daray in wakiilo ka socda qoysaska maxaabiista ay heystaan Xamaas ay ka soo qaybgeli doonaan kulanka.

Telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa Axadii sheegay in Musk uu sidoo kale la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Kulankan ayaa imaanaya xili kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Musk inuu bartiisa bulshada ku kordhiyey nacaybka ka dhanka ah Yuhuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM