Elon Musk oo kashifay basaasnimo Mareykanka waday Twitter-ka

Image
Maalqabeenkan 51-sano jirka ah ayaa wuxuu iibsaday shirkadan bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

NEW YORK, USA - Maamulaha guud ee Twitter, Elon Musk, ayaa shaaca ka dhigay in dawladda Maraykanku ay "si buuxda" u helaysay xogta dadka isticmaala shirkadan gaar ahaan farriimaha qaas ah ee loo yaqaano DMs.

Wareysi uu siiyay Fox News ayuu Musk ku sheegay inuu aad uga naxay inuu ogaado awoodda dowladda ay u leedahay inay akhrido farriimaha tooska ah ee isticmaaleyaasha ee degelkiisa.

Inkasta oo wareysigan uusan si dhameystiran usoo bixin, haddana waxaa qorshuhu yahay in la baahiyo gelinka dambe ee Isniinta waqtiga Mareykanka waxaana wareysanaya saxafiga Tucker Carlson.

"Heerarka ay hay'adaha dawladdu si hufan u heli karaan wax kasta oo ka socda Twitter ayaa maskaxdayda ka soo baxay," ayuu ka dhawaajiyey Musk. "Kama warqabin taas".

Mar uu saxafiga Carlson weydiiyey Musk in uu ula jeedo in xukuumadda Washington ay awood u lahayd in ay si toos ah u basaasto fariimaha ay dadka wadaagayaan, mulkiilaha ayaa ku jawaabay: "Haa".

Musk oo kamid ah tobbanka qof ee ugu hodonsan aduunka ayaa wuxuu iibsaday Twitter bishii Oktoobar ee la soo dhaafay kadib heshiis ku kacay aduun lacageed dhan $44 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Tan iyo xilligaas, wuxuu sameeyay isbedelo baahsan gaar ahaan siyaasaddiisa, oo ay ku jirto lacag bixinta xisaabaadka lagu kalsoonaan karo. In badan oo isbadalkan kamid ah wuxuu ku qotomaa in uu dhaqaale ka sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM