Elon Musk oo markii dambe raalli gelin siiyay Yahuuda

Image
Musk ayaa soo dhigay bartiisa ‘X’ qoraallo loo arkay Yahuud-nacayb.

WASHINGTON (GO) - Maalqabeenka Maraykanka ah ee Elon Musk ayaa Yuhuuda ka raali galiyay qoraalkii uu soo dhigay bartiisa ‘X’ kaas oo lagu tilmaamay in uu xambaarsanyahay Yahuud-nacayb, xilli uu u waramayay wargeyska “The New York Times”.

Elon ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu yahay kii ugu doqonnimada badnaa noloshiisa, isagoo carabka ku adkeeyay inuu ka xun yahay waxa uu sameeyay, isla markaana uu taageersan yahay Yuhuuda.

Qoraalkan ayaa sabab u ahaa in qaar ka mid ah shirkadaha caalamiga ah ay joojiyaan in badeecadahoodii ku xayeysiiyaan barta “X” oo Musk leeyahay, taasoo oo ka dhalatay khasaare baahsan.

Intii uu kulanka socday ayuu Elon Musk aflagaadeeyay shirkadahan, isaga oo sheegay in aanu doonayn xayaysiintooda, taasoo hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada.

Elon Musk ayaa dhawaan booqasho ku tagay Israa'iil, wuxuuna halkaas kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu, wuxuuna sidoo kale soo arkay goobihii ay Xamaas weerartay 7-dii October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM