Elon Musk oo si rasmi ah u daahfuray Xisbiga "America Party" isagoo dhaleeceeyay labada xisbi ee waaweyn
Washington, July 5 – Ganacsadaha caanka ah Elon Musk ayaa si rasmi ah u bilaabay xisbiga cusub ee uu ugu magac daray "America Party", toddobaadyo kadib markii uu fikradda la wadaagay taageerayaashiisa baraha bulshada isla markaana uu codbixin ku sameeyay barta X (horey Twitter).
Musk, oo horey u ahaa taageere weyn oo Madaxweyne Trump ah isla markaana kamid ahaa maalgeliyeyaashii ugu waaweynaa ololaha doorashada 2024, ayaa sheegay in xisbiga cusub uu u taagan yahay dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa dawladeed iyo dib-u-soo celinta xorriyadda.
"Ma nihin dal dimuqraadi ah. Waxaan ku noolnahay nidaam xisbi keliya ah," ayuu Musk ku qoray bartiisa X.
Musk ayaa si weyn u dhaleeceeyay xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweyne Trump kadib markii la meel mariyay sharci uu ku tilmaamay mid khasaare dhaqaale keenaya, oo loo yaqaan "One Big Beautiful Bill". Wuxuu ku eedeeyay xeerkaasi inuu kordhinayo deynta dawladda isla markaana sii maalgelinayo barnaamijyo aan faa'iido lahayn.
Xaaladda ayaa kacsatay kadib markii Musk uu ku hanjabay inuu maalgelin doono musharrixiin kasoo horjeeda kuwa taageeray sharcigaasi, taas oo keentay in Trump uu si cad uga hadlay suurtagalnimada in Musk laga masaafuriyo Mareykanka, islamarkaana loo jaro heshiisyada dowladeed ee shirkadaha uu leeyahay sida SpaceX iyo Tesla.
America Party, inkasta oo faahfaahin rasmi ah laga sugayo, Musk wuxuu sheegay in xisbiga diiradda saari doono mabda’a mas’uuliyadda dhaqaale iyo joojinta kharashaadka xad-dhaafka ah ee dowladda.
Wuxuu sidoo kale ku talinayaa in xisbiga cusub aanu si baahsan u tartamin, balse uu xooga saaro dhowr kursi oo muhiim ah.
“Habka ugu macquulsan waa in la beegsado 2 ama 3 kursi oo Senate-ka ah iyo 8 ilaa 10 kursi oo Golaha Wakiillada ah,” ayuu Musk ku qoray bartiisa X, isaga oo doonaya in xisbiga America Party uu noqdo cod-dhexaad muhiim ah marka ay Congress-ku kala bar-bar dhigaan.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada siyaasadda Mareykanka ayaa tilmaamaya in xisbiyada saddexaad ay mar walba wajahaan caqabado adag. Xisbiga Libertarian, oo hadda ah xisbiga saddexaad ee ugu weyn Mareykanka, ma leh wax matalaad ah oo heer qaran ah, inkasta oo uu hayo 146 xafiisyo heer gobol iyo degmo.
GAROWE ONLINE