Erdogan iyo Macron oo warqado is-dhaafsaday

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynayaasha Turkiga iyo Faransiiska ayaa is weydaarsaday waraaqo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadaladii ujeedkooda ahaa in wax laga bedelo xiriirka labadda waddan.

"Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal sanadeedka 2021 u qoray dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo ka tacsiyeeyay dhowr weerar oo ka dhacay France sanadkii hore," ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibada Turkiga, Mevlut Cavusoglu isagoo la hadlaya warbaahinta.

Cavusoglu ayaa intaas ku daray in Macron ayaa dhambaalkaas uga soo jawaabay warqad "aad u qumman" toddobaadkan, isagoo ku bilaabay salaan diiran "Dear Tayyip" isla markaana tibaaxay inuu u furan yahay kulan.

"Madaxweyne Macron wuxuu muujiyay muhiimada Turkiga u leeyahay Yurub iyo rabitaankiisa inuu xiriir wanaagsan la yeesho Turkiga iyo sidoo kale inuu la kulmo madaxweynaheena muddada soo socota," ayuu xusay.

Jawaabta Macron ayaa soo jeedisay wadashaqeyn "wadatashi laba geesood ah kuna aadan argagixisada, arrimaha gobolka sida Suuriya iyo Liibiya, iyo iskaashi dhanka waxbarashada ah", sidda laga soo xigtay mas'uulka.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay isdhaafsiga waraaqaha iyadoo aan bixin faahfaahin intaas ka baxsan.

"Waxaan hadda u baahanahay tilmaamo la taaban karo oo ka yimid Ankara," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha waddanka Faransiiska.

Midowga Yurub wuxuu hadda diyaarinayaa liis balaaran oo shaqsiyaad Turki ah si loogu cunaqabateeyo go’aanka Ankara ee qodista gaaska dabiiciga ah ee bariga badda Mediterranean ee ku dhow Qubrus.

Sanadkii la soo dhaafay, Ankara iyo Paris waxay ku murmeen arrimo badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan colaadaha Syria, Libya iyo Nagorno-Karabakh.

Xiisadaha diblomaasiyadeed waxaa weheliyay khilaaf shaqsiyadeed oo aad u qaraar oo u dhexeeya labada madaxweyne.

Kulan uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, Macron wuxuu xusay in Turkidu "u qalmaan wax kale" marka loo eego siyaasadaha Erdogan.

Bishii Oktoobar, Macron wuxuu sheegay in Islaamku yahay diin "dhibaato ku jirta" adduunka oo dhan, taasoo dhalisay jawaab adag oo ka timid dunida Muslimka, taas oo ku baaqday in la qaadaco wax soo saarka Faransiiska.

Erdogan ayaa ku soo biiray baaqyaddaas wuxuuna yiri, laba jeer oo kala duwan, in Macron u baahan yahay baadhitaan caafimaad maskaxda.

Macron ayuu si furan ugu jeediyey eedeymo xoogan oo ay kamid tahay "Islaam-naceybnimo" wuxuuna ku booriyay codbixiyaasha Faransiiska in ay "kaga takhalusaan madaxweynahooda sidda ugu dhakhsiyaha badan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM