Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya
ANKARA — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Baarlamaanka dalkaas u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in muddo laba sano ah lagu kordhiyo ruqsadda u oggolaaneysa ciidamada Turkiga inay ka howlgalaan Soomaaliya, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay muhiim u tahay sii wadidda taageerada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Mooshinka loo gudbiyay Golaha Weyn ee Qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadda gobolka Geeska Afrika, isla markaana kordhinta muddada howlgalka ay u saamaxeyso ciidamada Turkiga inay sii wadaan tababarrada ciidamada Soomaaliya, adeegyada la-talinta iyo taageerada farsamo ee ku saleysan heshiisyada iskaashiga difaaca ee labada dal.
Qoraalka ayaa xusay in Turkigu tan iyo sanadkii 2011 xiriir dhow la lahaa Soomaaliya, isagoo ballaariyay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo amniga.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Ankara ay sii wadday tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo taageerada dhinaca difaaca iyadoo loo marayo heshiisyo la xiriira tababarka militariga, iskaashiga farsamada, warshadaha difaaca iyo taageerada dhaqaale ee ciidamada qalabka sida.
Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan, haddana caqabadaha dhaqaale ay weli saameyn ku leeyihiin awooddooda howlgallada.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageerada militari ee uu siiyo dalka, iyadoo loo marayo Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee labada dal.
Sida ku cad mooshinka, sii wadidda howlgalka ciidamada Turkiga waxay gacan ka geysan doontaa la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta dadka iyo khataraha kale ee amniga, iyadoo sidoo kale ka qeyb qaadaneysa sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo biyaha ku dhow.
Qoraalka ayaa sidoo kale tixraacay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay 1-dii Diseembar 2023, isagoo sheegay in Turkigu rumeysan yahay in taageeradiisu ay gacan ka geysan doonto xasilloonida muddada dheer ee Soomaaliya, xoojinta awoodda dalka ee ilaalinta kheyraadkiisa iyo horumarinta hay'adaha difaaca iyo amniga.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh saldhiggiisa ugu weyn ee tababarka militariga ee dibadda, wuxuuna noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Dowladda Federaalka Soomaaliya dhinaca amniga iyo difaaca.
GAROWE ONLINE