Erdogan oo ku gacanseyray is-casilaadda wasiirkiisa gudaha

Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan.

Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saac ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah.

Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada.

Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale.

Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha.

Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey.

Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yiri.

Kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka.

Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaiqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

GO + VOA

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM