Erdogan oo looga guuleystay Doorashooyinka Golaha Deegaanka Turkiga

Image
Dabaaldega taageerayaasha mucaaradka Turkiga ee Ankara.

Ankara (GO) - Natiijooyin horudhac ah ayaa muujinaya in xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Turkiga uu ku guuleystay Guddoonka magaalooyin waaweynka dib markii guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee dhacay Axaddii shalay.

Natiijadan ayaa lama filaan ku noqotay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isagu damacsanaa inuu dib u hanto maamulka magaalooyinkaas.

Iyadoo ay socoto tirinta codadka, ayaa waxaa hogaaminaya tartanka musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka ah Ekrem Imamogl oo haatan duqa magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn iyo xarunta dhaqaalaha ee Turkiga.

Ekrem ayaa ku dhawaaqay guushiisa, isagoo leh: "Waxaan guul ku gaarnay doorashadii golaha deegaanka magaalada." Imamoglu ayaa intaa ku daray in uu ku hogaaminayo codadka in ka badan hal milyan kadib markii la tiriyay 96% waraaqaha cod bixinta.

Natiijooyinka ayaa sidoo kale muujiyay in Mansur Yavaş, duqa magaalada caasimadda ah ee Ankara, kana mid ah mucaaridka uu kursigiisa ku xajistay cod aad u badan.

"Doorashooyinka way dhamaatay, waxaana sii wadi doonaa inaan u adeegno Ankara iyo lixda milyan ee degan anniga oo aan kala saareyn," ayuu yiri Yavaş.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM