Erdogan oo qaaday tallaabo ka farxisay Dowladda Sweden

Image

ANKARA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka Turkiga u gudbiyay galka ku biiritaanka Sweden ee ururka NATO, si uu u ansixiyo.

Madaxtooyada Turkiga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisda “X” ku xaqiijisay in uu saxiixay hab-maamuuska ku biiritaanka Sweden ee NATO bishii Oktoobar 23, 2023 wuxuuna u gudbiyay Golaha Shacabka.

Intii lagu guda jiray shirkii NATO ee Vilnius bishii Luulyo ee la soo dhaafay, madaxweynaha Turkiga wuxuu ogolaaday inuu ansixiyo ka mid noqoshada Sweden ee NATO.

Erdogan ayaa muddo sii waday inuu ku cadaadiyo Sweden inay qaado tillaabooyin ka dhan ah falalka lagu xumeynayo Qur'aanka taasoo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM