Erdogan oo sheegay sababta dhabta ah ee ka danbeysa in Jarmalku uu taageero Israel

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa oo booqasho ku tagay Berlin ayaa tilmaamay in sababta Jarmalka uu Israa’iil ku taageerayo dagaalka Qasa ay tahay in ay hore xasuuq ugu geysteyn.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu awood u leeyahay in uu si aan eex lahayn u hadlo maadaama ay wax dhib ah hore ugu geysan Yahuudda.

Waxa uu sidoo kale sheegay:

“Dagaalka Israa’iil iyo Falastiin waa in aan lagu qiimeyn qaladaad hore loo galay, waxaan u hadlaa si xor ah sababtoo ah wax deyn ah naguma laha Israa’iil.”

Madaxtooyada Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay: “Erdogan waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la joojiyo weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin”

Erdogan ayaa horraantii todobaadkan sheegay in Israa’iil ay tahay “dal argagixiso” oo dambiyo dagaal ka gaysanaysa Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM