Erdogan oo shuruud ku xiray aqbalaada codsiga xubinnimada Sweden ee NATO

Image
SAWIR HORE

ANKARA, Turkiga - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dib u soo nooleeyay rajada laga qabo in Sweden ay xubin ka noqoto gaashaanbuurta NATO ee Waqooyiga Atlantic, kadib markii uu ka hadlay suurtagalnimada in Ankara ay bedesho mowqifkeeda ku aadan codsiga.

War saxaafadeed uu soo saaray kadib marka oo ka soo laabtay booqashadiisa Hungary Isniintii, ayuu Erdogan isku xiray ansixinta dalkiisa ee xubinnimada Sweden iyo sii wadida wax uu ku tilmaamay weerarada ka dhanka ah xurmada Islaamka ee Sweden.

Erdogan oo la hadlay Channelka “TRT” ee laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa sheegay in uu ka tabanaayo Sweden laba arrin oo muhiim ah: Dhacdooyinka soo noqnoqda ee lagu gubo Qur’aanka, iyo dibadbaxyada ay dhigaan taageerayaasha xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Sweden ayaa doonaysaa xubinnimada NATO si ay uga ilaaliso dhulkeeda weerar kasta oo suurtagal ah oo Ruushku soo qaado.

Shuruudaha lagu aqbali karo xubinnimada dal cusub ee NATO, waxaa ka mid ah in wadarogol loo ansixiyo codsigiisa, waxaana weli aqbalin codisga Sweden dalalka Turkiga iyo Hungary.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM