Erdogan: "waa in meesha laga saaro Maamulka Asad"

Image

October 2, 2014 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay in meesha laga saaro maamulka Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya.

Isagoo la hadlayey Baarlammaanka Turkiga wuxuu sheegay in degenaansho iyo nabad ka hirgasha Suuriya ku xiran tahay dhismaha dowlad dimuqraadi ah oo bedesha Maamulka Asad.

" qorshaha nooguma jirto inaan faragelino dal aan deris nahay, waase lagama maarmaan in la helo dowlad dimuqraadi ah dadkuna soo doorteen oo bedesha rijiimka Asad ee dalka Suuriya" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in Tukiga ay muhiimad weyn u leedahay in helo Suuriya oo nabad ah.

Erdogan wuxuu docda kale carabka ku adkeeyey in Dowladda Turkigu si adag ula dagaalami doonto argagixisada caalamiga ah, gaar ahaan kooxda IS ee ku xooggan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dagaalka ka dhanka ah IS ayuu sheegay inuu u baahan yahay istaraatiijiyad si fiican looga fekeray iyo qorshe dheer, si looga baaqsado xasillooni darro muddo sii jirta oo gobolka ka dhacda.

Todobaadkan horraantiisii boqollaal kamid ah militeriga Turkiga oo ku hubeysan dabaabadaha dagaalka ayaa gaarey xadka uu dalkaasi la wadaago Suuriya.

Turkiga oo maalin kasta ay gaaraan boqollaal qaxooti ah oo ka cararay colaadda ka aloosan dalka Suuriya, wuxuu cabsi weyn  ka qabaa weeraro uga yimaada dhanka kooxda xagjirka ah ee IS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM