Erdogan: Xamaas ma ahan urur argagaxiso ah

Image

ANKARA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku sheegay Xamaas in aysan ahayn urur argagixiso, balse ay u halgamayaan sidii ay u difaaci lahaayeen dadkooda iyo dhulkooda.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa u aqoonsan Xamaasin ay yihiin urur argagixiso ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Israa’iil.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay in ku dhawaad ​​kala bar dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Qaza ay ahaayeen carruur.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan leenahay: Ha dilina carruurta, haweenka iyo dadka aan waxba galabsan, dhaqamadaas gurracan waa xaq darro aan qiil laheyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM