Erdogan: Xamaas Waa Koox Iska Caabin Ah, Maaha Urur Argagixiso

Image

ANKARA — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wareysi uu siiyay Fox News Isniintii ku sheegay in Turkigu uusan u arkin kooxda Hamas inay tahay urur argagixiso, balse uu u arko "koox iska caabin ah" oo u dagaallameysa xuquuqda shacabka Falastiin.

Hadalka Erdogan ayaa imaanaya iyadoo uu horay uga hadlay shir Qaramada Midoobay ay ku qabatay arrimaha Falastiin, halkaas oo uu si kulul ugu eedeeyay dowladda Israel inay geysaneyso xasuuq iyo inay doonayso in la burburiyo rajada dhismaha dowlad madax bannaan oo Falastiini ah.

“Ujeeddada dowladda Netanyahu waa in la hor istaago dhismaha dowlad Falastiini ah, lana masaafuriyo Falastiiniyiinta si qasab ah,” ayuu yiri Erdogan.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray: “Dowladda Netanyahu maanta waxay xasuuq ku haysaa dariskeeda ay kumannaan sano la wadaageysay dhul iyo biyo.”

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Turkiga iyo Israel, iyadoo Turkigu uu horey u muujiyay taageero siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo oo joogto ah oo uu la garab taagan yahay shacabka reer Falastiin.

Bayaanada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo caalamka ka dhex abuura dood xooggan, gaar ahaan marka ay kasoo baxaan hoggaamiyaasha waaweyn ee gobolka, iyada oo beesha caalamka intooda badan u aqoonsan tahay Hamas inay tahay urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Maraykanka oo Ka Baaqaya Shir France iyo Saudi Arabia Wadaan oo Lagu Taageerayo Falastiin

Sarkaal ka tirsan dowladda Israel ayaa sheegay in dalkoodu tixgelinayo inuu ku jawaabo tallaabooyin adag.

  • Caalamka

    22-09-2025

  • 10:58AM

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM