Estonia oo ceyrisay diblumaasi u dhashay waddanka Ruushka

Image
Xukuumadda Moscow ayaa wacad ku martey in ay "si degdeg ah uga aargoosan doonto talaabadan".

MOSCOW, Russia - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Estonia ayaa ku dhawaaqday Jimcihii in dalkeeda laga eryay diblumaasi Ruush ah, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu ku daabacday website-keeda ayay sababta ku sheegtay in uu ku kacay "arrimo ka baxsan waajibaadka diblumaasiyadeed ee loosoo dirsadey".

Lama soo bandhigin magaca iyo shaqadda uu haayay diblumaasigan. Sidoo kale, waxaan saxaafadda lala wadaagin "shaqada sharci daradda ah ee uu ku lug lahaa mas'uulkan".

Dhankeeda, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ballan-qaaday in ay ka aargoosan doonto Estonia, isla markaana "jawaabta ay noqon doonto mid degdeg ah".

Bishii Febraayo, Ruushku wuxuu hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa Estonia kuna soo koobay "wakiil" sababo salka ku haya go'aan ay xukuumadda Tallinn ku dhintay safaaradeeda Moscow.

Inta illaa haatan la og-yahay, Ruushku waxa uu hoos u dhigay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa laba waddan oo ku yaalla gacanta Baltic kuwaasoo kala ah Estonia iyo Latvia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM