Ethiopia: Mareykanka oo xiray saldhig Drone

Image

06 January, 2016(GO)-Dowladda Mareykanka ayaa joojisay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama drone-ka ee ay u adeegsato ololaheeda ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya iyo Yemen kasoo duuliso Koonfurta Ethiopia, kadib codsi kaga yimid dowladda Ethiopia, sida ay sheegeen saraakiil.

Xukuumadda Washington ayaa malaayiin dollar ku bixisay sanaddii 2011, inay casriyeyso saldhig diyaarado oo ay ku leedahay magaalada Arba Minch, halkaasi oo ay kasoo dulliso diyaaradaha Reaper-ka loo yaqaan ee qaadi kara madaafiicda culus iyo bambooyinka lagu hayo satalayt-ka.

Saldhiggan ayaa ah saldhigga kaliya ee dowladda Ethiopia ay qirtay inuu ku yaallo dalkeeda.

Talaadadii ayaa saraakiil iyo diblomaasiyiin Mareykan ah ay xaqiijiyeen in lasoo geba gebeeyey dhaqdhaqaaqyadii diyaradaha drone-ka ee saldhigaas.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Getachew Reda ayaa sheegay in tani ay ku timid codsiga dowladda Ethiopia.

Waxa uu sheegay in markii horeba mashruucan uu ahaa mid waqtiyeysan, islamarkaana labada dowladoodba ay isku diyaariyeen imaanshaha waqtiga dhammaadka.

Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xulufada la ah Mareykanka, waxaana loo arkaa inay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro mintidiinta gobolka.

Ciidamada Ethiopia ayaa iyaga oo qeyb ka ah howlgalka Amisom, waxa ay dalka Soomaaliya kula dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab, tan iyo sanaddii 2011.

Sarkaal dhinaca arrimaha dadweynaha qaabilsan oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa, David Kennedy, ayaa sheegay in shaqaalaha milatariga Mareykanka aysan iminka ku sugneyn saldhigga Arba Minch.

Waxa uu sheegay in labada dalba ay isla garteen in isticmaalka saldhigga Arba Minch aan hadda iyo wixii ka dambeeya loo baahneyn.

Xigasho: VOA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM