Facebook oo diidey in uu masaxo Iidheh liddi ku ah Ilhaan Cumar

Image

NEW YORK, USA - Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay diiday inay masaxdo iidheh xildhibaanadda ka tirsan aqalka Koongareeska la xiriirineyso inay taageerto ururka Xamaas ee ka dagaallama Falastiin, sida ay warisay majalada Washington Post.

Sida ku xusan warbixinta wargeyska, xafiiska haweenaydan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya wuxuu ku wargeliyey Facebook "in fahfaahinta xayeysiiskaas ay tahay mid khalad ah oo naceyb abuuri karo khatarna gelin kara nolosheeda".

"Waxaan la xiriirinay shirkadda Facebook kadib markii aan aragnay in xayeysiin ay soo dhigeen halkaas guddi fadhigiisu yahay Mareykanka oo u doodo xuquuqda dadka Israa'iil," ayay Jariirada kasoo xigatay xubin ka tirsan howlwadeenadda xafiiska sharci-dejiyaha.

Qoraalka xayeysiiska lagu dhaleeceynayo Ilhaan Cumar ayaa wuxuu yahay: "Israa'iil marka ay weerarto Xamaas, xildhibaan Ilhaan waxay ku tilmaanta falal argagixiso".

Shirkadda Facebook ayaa, sida laga soo xigtay wargeyska, waxay xaqiijisay in xayeysiinta, iyaddoo ku adkeysatay "aysan kasoo horjeedin xeerarka u xorriyadda fekerka ee u yaalla". Facebook waxaa madax ka ah Mark Zuckerberg oo ah Ameerikaan balse isirkiisu uu yahay Yahuud.

kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof kuna dhaawacmeen boqolaal kale, abbad-joojin u dhaxaysa Israa'iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa asbuucaan dhaqan-gashay.

Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza. Duulaanka Yahuuda oo kasoo bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa'iil oo dhankeeda ka jawaabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM