Facebook oo go'aan ka qaatay Taliban iyo dadka taageera

Image
Twitter iyo YouTube ayaa qudhooda isha lagu hayaa nooca talaabo oo ay ku dhawaaqi doonan.

WASHINGTON, USA - Facebook ayaa waxay xaqiijisay inay u aragto kooxda Taliban inay tahay "urur argagixiso", sidaas darteedna waxay barteeda ka mamnuucday kooxda iyo dhammaan waxyaabaha taageeraya.

Shirkadda oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saartey ayaa ka dhawaajisay in ay sameysay koox gaar ah kana kooban khubaro Afgaanistaan ​​ah kuwaasoo dabagalaya isla markaana saaraya fariimahooda.

Facebook ayaa intaas waxay ku dartey in siyaasaddan ay khuseyso dhamaan apps-a kale ee gacansaarka ay la leeyihiin kuwaasoo kala ah; Instagram-ka iyo WhatsApp-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in Taalibaan ay adeegsaneyso Whatsapp si ay u sameyso xiriiro kala duwan si gaar ah shaqsiyaadka ay u aragto in ay muhiim u yihiin xukunkooda.

BBC -da ayaa warisay in shirkadda Facebook ay qorsheyneyso in ay tallaabo adag ka qaadi doonto haddii ay ka hesho akoonno lagu isticmaalayo app-ka kuwaasoo gacansaar dhow la leh kooxda hubeysan.

Goobaha baraha bulshada ee iska soo horjeeda Facebook-ga sida Twitter-ka iyo YouTube-ka ayaa iyagana isha lagu hayaa sida ay u maamulaan waxyaabaha lagu taageerayo falaagadda Taliban.

Taliban ayaa todobaadkan waxay 20-sano kadib la wareegtay nidaamka maamulka Afghanistan kadib markii ay dhacdey dowladdii Ashraf Ghani kuwaasoo gabi ahaanba isugu jira qaar baxsadey iyo kuwa is-dhiibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM