Fahfaahino laga helay qarax ka dhacay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Qaraxii Jimcadii ka dhacay magaaladda Nashville ayaa laga yaabaa inuu ahaa ismiidaamin, sidda ay warbaahinta maxalliga ah ee Mareykanka kasoo xigatay saraakiisha dhanka ammaanka.

Baarayaasha ayaa bilaabay baaritaano DNA ah kadib markii meyd laga helay meel u dhow goobta qaraxa xooggan ka dhacay.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, ciidamadda ayaa Sabtidii waxay baareen guriga qof degan xaafadda Antioch ee magaaladda. Hasa ahaatee, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay talaabadda.

Bogga Newsweek ayaa wariyey in ciidamadda ay isku dayayaan in ay aqoonsadaan hooyadda dhashay ruuxa ay meydkiisa heleen. Saraakiishu waxay xuseen in ay illaa haatan heleen 500 dheecaano oo la xiriira qaraxa.

Qaraxa ayaa sababay dhaawaca seddex qof isla markaana carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee ismaamulka Tennessee iyo afar gobol kale. Burbur xoogan ayuu gaarsiiyey dhismeyaal ka akdhowaa aaggaas.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee laga lahaa qaraxaas. Sidoo kale, ma jirto cid illaa haatan dusha u ridatay mas'uuliyadda falkaas.

Dhanka kale, ganacsato iyo mulkiileyaal telefishino ayaa ku tabarucay in ka badan $300,000 (£ 224,000) si loo soo qabto kuwa mas'uulka ka ah falkaas keenay in ay heegan galaan ciidamadda nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM