Fahfaahinta heshiiska cusub ee laga gaarey isbedelka cimiladda

Image
Axdiga Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee lagu daro qodobo wata tafaasiil cad-cad.

GLASGOW, Scotland – Heshiis looga hortagayo isbeddelka cimilada ee khatarta ah ayaa lagu gaaray shirkii COP26 ee ku qabsoomay caasimadda Scotland ee Glasgow.

Axdiga Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee lagu daro qodobo cad-cad si loo dhimo adeegsiga dhuxusha iyo gaaska lagu kariyo cunnooyinka guryaha.

Heshiisku ayaa sidoo kale wuxuu cadaadis saarayaa dhimista qiiqa degdega ah oo dheeraad ah. Si lamid ah wuxuu u ballan-qaadayaa lacag badan dalalka soo koraya - si looga caawiyo inay la qabsadaan saamaynta cimilada.

Hase ahaatee, caqabadda ugu weyn waxay ka taagan tahay in ballan qaadyadu ay waqti badan qaadan karaan si loo xaddido kor u kaca heerkulka aduunka oo ah ilaa 1.5C.

Ballanqaadka lagu baabi'inayo isticmaalka dhuxusha oo lagu daray qabyo-qoraalka gorgortanka hore ayaa horseeday in si cajiib leh loo dhammeeyo kadib markii Hindiya ay si lama filaan ah uga hortimid soo-jeedintaas.

Wasiirka cimilada ee Hindiya, Bhupender Yadav, ayaa soo bandhigay sida wadamada soo koraya ay u balan qaadi karaan inay meesha ka saaraan kabida dhuxusha iyo shidaalka gaaska lagu kariyo cuntadda "ayaga oo aan wali xal u helin ajandayaashooda horumarineed iyo ciribtirka faqriga".

Ugu dambeyntii, dalalku waxay ku heshiiyeen inay "isu-xishoodaan" halkii "mid walba uu qab-wayni ka muujin lahaa" adeegsiga dhuxusha.

Iyadda oo ay jiraan hadallo niyad-jab ah oo ay muujinayaan dalalka qaar, Madaxweynaha COP26 Alok Sharma ayaa sheegay inuu "aad uga xun yahay" sida ay wax u dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM