Fahfaahinta heshiiska cusub ee laga gaarey isbedelka cimiladda

Image
Axdiga Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee lagu daro qodobo wata tafaasiil cad-cad.

GLASGOW, Scotland – Heshiis looga hortagayo isbeddelka cimilada ee khatarta ah ayaa lagu gaaray shirkii COP26 ee ku qabsoomay caasimadda Scotland ee Glasgow.

Axdiga Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee lagu daro qodobo cad-cad si loo dhimo adeegsiga dhuxusha iyo gaaska lagu kariyo cunnooyinka guryaha.

Heshiisku ayaa sidoo kale wuxuu cadaadis saarayaa dhimista qiiqa degdega ah oo dheeraad ah. Si lamid ah wuxuu u ballan-qaadayaa lacag badan dalalka soo koraya - si looga caawiyo inay la qabsadaan saamaynta cimilada.

Hase ahaatee, caqabadda ugu weyn waxay ka taagan tahay in ballan qaadyadu ay waqti badan qaadan karaan si loo xaddido kor u kaca heerkulka aduunka oo ah ilaa 1.5C.

Ballanqaadka lagu baabi'inayo isticmaalka dhuxusha oo lagu daray qabyo-qoraalka gorgortanka hore ayaa horseeday in si cajiib leh loo dhammeeyo kadib markii Hindiya ay si lama filaan ah uga hortimid soo-jeedintaas.

Wasiirka cimilada ee Hindiya, Bhupender Yadav, ayaa soo bandhigay sida wadamada soo koraya ay u balan qaadi karaan inay meesha ka saaraan kabida dhuxusha iyo shidaalka gaaska lagu kariyo cuntadda "ayaga oo aan wali xal u helin ajandayaashooda horumarineed iyo ciribtirka faqriga".

Ugu dambeyntii, dalalku waxay ku heshiiyeen inay "isu-xishoodaan" halkii "mid walba uu qab-wayni ka muujin lahaa" adeegsiga dhuxusha.

Iyadda oo ay jiraan hadallo niyad-jab ah oo ay muujinayaan dalalka qaar, Madaxweynaha COP26 Alok Sharma ayaa sheegay inuu "aad uga xun yahay" sida ay wax u dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM