Falastiiniyiin Mindi weerar ku gaystay

Image

23 November, 2015(GO)-Mas’uuliyiinta Israel ayaa sheegay in weerar mindiyeyn ah oo ay soo qaadeen Falastiiniyiin uu ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Jerusalem, maalin kadib markii weeraro dhowr ah ay ka dhaceen daanta galbeed ee Israel ay qabsatay.

Booliiska ayaa sheegay in weerarkan dhacay Isniinta ay ku lug lahaayeen laba haween oo manqasyo ku dhuftay nin, ka hor inta aanay booliiska toogan.

Axaddii, ayaa Milatariga Israel waxa ay sheegeen in qof Falastiini ah uu haweeney 21 jir ah ka tooreeyey madaxa iyo xabadka ka hor inta aanay isna toogan askar goobta ka ag dhowaa.

Weerar dhacay goor sii horeysayna, milatariga ayaa sheegay in haweeney ay mindi lasoo aaday meel laga galo saldhig milatari, balse uu baabuur ku dhuftay qof arkayey kadibna ay toogteen booliiska.

Weerarada mindida loo adeegsanayo oo socda muddo sideed toddobaad ah ayaa qalqal geliyey ammaanka Israel, waxaana ay soo jeediyeen dareenka Mareykanka, oo xoghayahooda arirmaha dibedda John Kerry uu booqanayo gobolka toddobaadkan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM