Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya waqooyiga Gaza

Image
Image
Image
Image

GAZA - Kumanaan qof oo barakacayaal ah oo reer Falastiin ah ayaa maanta dib ugu laabanaya guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, kuwaas oo u xirnaa khilaaf soo kala dhex galay Xamaas iyo Israa'iil.

Sabtidi ayay ahayd in dadkaas reer Falastiin ay ku laabtaan guryahooda. Tiro dad ah ayaa Sabtida iyo Axadda isku soo baxay, kuwaas oo diyaar u ahaa inay jaraan masaafo dhan 7 kilomitir(4.3 meyl), dhulkaas oo ay Israa'iil maamusho.

Balse Israa'iil ayaa u diiday dadka reer Falastiin inay maraan marinkaas kadib markii Xamaas ay dib u dhigtay siideynta gabar la yiraahdo Arbel Yehub Sabtidi.

Israa'iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah, iyadoo Xamaas ay soo bandhigtay cadeyn muujineysa in Yehud ay nooshahay.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM