Fanaanad si ola kac ah isu qaad-siisay Covid-19 oo dhimatay

Image
Hana Horka ayaa laba casho ka hor geerideeda faafisay in ay kasoo kabaneyso safmarka.

PRAGUE, Czech Republic - Fanaanad caan ah oo u dhalatay Czech Republic ayaa dhimatay ka dib markii ay si ula kac ah isu qaad-siisey safmareenka Covid, sida uu BBC-da u sheegay wiilkeedda.

Hana Horka, oo 57 jir ah, ayaan la tallaalin, waxayna baraha bulshada ku faafisay in ay ka soo raynayso ka dib markii laga helay, balse way dhimatay laba maalmood ka dib.

Wiilkeeda, Jan Rek, ayaa xusay inay si ula kac ah u cudurka u qaaday markii isaga iyo aabbihiis laga helay fayraska, si ay u hesho kaarka soo kabashada ayna u gasho meelaha qaarkood.

Czech Republic ayaa soo warisay tiro rikoorka ah lana xiriira safmareenka Covid-19 Arbacadii. Mr Rek iyo aabihiis, oo labadooduba si buuxda loo talaalin, labaduba waxay qaadeen Covid bilowgii sanadkan.

Hase ahaatee, Rek ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in hooyadii ay go'aansatay inaysan ka fogaan iyaga, taas beddelkeedana ay door bidayso inay nafteeda u qaaddo fayraska.

"Waxay ahayd in ay go'doon ku jirto muddo toddobaad ah sababtoo ah waa laga helay fayruska. Laakiin waxay nala joogtay waqtiga oo dhan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Caddeyn la xiriirta in laga talaalay Coronavrisua ayaa looga baahan yahay gudaha Czech Republic si aad u tagto goobaha dadka ku kulmaan gaar shineemo, baararka loo tamashla tago iyo kafateeriyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM