Fanaanadda Janet Jackson oo qaadatay diinta islaamka

Image

21 Septembar, 2015(GO)-Fanaanada caanka ah ee reer Maraykan Janet Jackson  oo la dhalatay fanaankii geeriyooday Michael Jackson ayaa qaadatay diinta islaamka sida ay shaacisay jariirada The Sun.

Janet Jackson oo haatan 49 jir ah, ayaa sanadkii 2012 guursatay maalqabeen u dhashay wadanka Qadar oo lagu magacaabo Wissam Al Mana.

Fanaanadaan ayaa muddo dhowr sano ah la noolayd qoys muslim ah, iyadoo ugu dambayn ku dhowaaqday inay islaamtay, qoyskeedana waxaa la sheegay inay ku taageereen doorashadeeda islaamka.

Sanadkii 2012 ayay Janet Jackson ku dhowaatay inay qaadato diinta islaamka, waxayse ku qaadatay waqti badan inay barato diinta islaamka kahor inta aysan kusoo biirin.

Fanaanadaan ayaa waqti badan nolasheeda kusoo qaadatay heesaha iyo dheesha qoob ka ciyaarta.

Isla xilligan fanaanada Janet ayaa laga saaray bandhiga la yiraahdo  iHeart Radio ee todobaadkaan dhammaadkiisa ka dhicidoona wadanka Maraykanka, kaasoo loo qorsheeyay inay sameeyaan kooxda  MGM Grand Garden Arena oo ay wehliyaan fanaaniin kalle.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM