Faransiiska oo Israel ugu baaqey inay joojiso xasuuqa shacabka Gaza

Image

PARIS - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso dilka caruurta iyo haweenka magaalada Gaza.

Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Qasriga Madaxtooyada dalkiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin “wax sabab ah” duqeynta loogu qiil-dayo, isaga oo sheegay in xabad joojin ay faa’iido u leedahay Israa’iil.

"Anagoo aqoonsanayn xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, "waxaan ku boorinaynaa inay joojiyaan duqeyntan" Gaza, ayuu yiri Macron.

Waxuu sidoo kale Macron carabka ku adkeeyay in Faransiisku "si cad u cambaareynayo" falalka "argagixisada" ee Xamaas.

Faransiiska - sida Israa'iil, Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee reer galbeedka - waxay Xamaas u arkaan urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM