Faransiiska oo Israel ugu baaqey inay joojiso xasuuqa shacabka Gaza

Image

PARIS - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso dilka caruurta iyo haweenka magaalada Gaza.

Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Qasriga Madaxtooyada dalkiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin “wax sabab ah” duqeynta loogu qiil-dayo, isaga oo sheegay in xabad joojin ay faa’iido u leedahay Israa’iil.

"Anagoo aqoonsanayn xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, "waxaan ku boorinaynaa inay joojiyaan duqeyntan" Gaza, ayuu yiri Macron.

Waxuu sidoo kale Macron carabka ku adkeeyay in Faransiisku "si cad u cambaareynayo" falalka "argagixisada" ee Xamaas.

Faransiiska - sida Israa'iil, Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee reer galbeedka - waxay Xamaas u arkaan urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM