Faransiiska oo ka carooday muuqaal ay baahiyeen Xamaas

Image

PARIS - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay muuqaal ay soo bandhigtay Xamaas oo ku saabsan la hayste dumar ah oo u dhalatay dalka Faransiiska, isagoo ku tilmaamay mid laga xumaado.

Qasriga Elysee wuxuu ku dhawaaqay in Macron uu ku baaqayo in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo.

Macron waxa uu intaa ku daray, "Faransiiska waxa uu ku jiraa heegan, waxana kala shaqeyn doonna saaxiibada caalanaka sidii haweyneeda looga sii deyn lahaa gacaanta Xamaas”.

Hadalka Madaxweynaha Faransiiska ayaa imaanaya kadib markii Xamaas ay baahisay muuqaal muujinaya la haystayaashao ay ku qabteen weerarkii ay todobaadkii hore ku qaadeen Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM