Faransiiska oo ka mamnuucay dumarka uga qeyb galaya ciyaaraha Olombikada inay xijaab xirtaan

Image

PARIS - Dhaqdhaqaaqayaal Faransiis ah iyo kuwa wax ku qora baraha bulshada ayaa weeraray wasiirka ciyaaraha Faransiiska Amelie Castera ka dib markii ay shaaca ka qaaday in xijaabka laga mamnuuci doono gabdhaha Faransiiska ah ee ka qeyb galaya ciyaaraha Olombikada soo socda, kaasoo Faransiiska uu martigelin doono sanadka 2024-ka.

Castera ayaa sheegtay in mawqifka Faransiisku uu aad u cad yahay, waxaana muujiyay Golaha Dawladda iyo Ra'iisul Wasaaraha Elizabeth Bourne, taas oo ah in loo hoggaansamo nidaamka cilmaaniga ah si adag loogu dabaqo dhanka ciyaaraha.

Saxafiyiinta iyo aqoonyahanada ayaa u arkayay hadalka wasiirka iyo go’aankan inuu yahay qeyb cusub oo ka mid ah xayiraadaha lagu soo rogay xoriyada, halka qaar kalena ay ku sifeeyeen fal ka dhan ah diinta Islaamka.

Bishii Janaayo ee sannadkii hore, Senatka Faransiiska ayaa u codeeyay qodob muran dhaliyay oo ku jira sharciga dimuqraadiyeynta Ciyaaraha Faransiiska. Sharcigan ayaa mamnuucaya xirashada xijaabka xilliyada ay socdaan tartamada ciyaaraha ee ay qabanqaabiyaan xiriirada Ciyaaraha ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM