​Faransiiska oo qabtay hub loo siday Somalia

Image

Ciidamada Faransiiska ee ku sugan badweynta Hindia oo adeegsanaya mid kamid ah diyaaradahooda qumaatiga u kacay ayaa gacanta ku dhigtay dooni hub u waday dalka Somalia, taasi oo aan lahayn calaamad muujinaysa dalka laga leeyahay.

Doonidan sumad la'aanta ayaa siday hub kala duwan, waxaana la sheegay inay saarnaayeen qoryaha loo yaqaano AK47, lidka Taangiyada iyo boqolaal raasaasta qoryahay fud-fudud ah.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dalkaas ayaa laga soo xiganayaa inay doontaasi saarnaayeen dad aan tiradooda la xaqiijin, waxaana la weydiinayaa su'aalo la xiriira halka hubkan laga keenayay iyo cidda doontaasi iska leh.

Mas'uuliyiin sar sare oo katirsan ciidanka badda dalkaasi ayaa iyaguna sheegaya in arrintani qayb ka tahay xasilinta gobolka iyo ka hortagista waxyaabaha amni xumada keeni kara, waxayna intaasi raaciyeen inay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen hubka sharci darrada ah ee la doonayo in kooxaha argigixisada gacanta loo galiyo.

Majirto cid katirsan xukuumadda Somalia oo ka hadashay qabashada hubkaasi.

Bil ka hor ayay ahayd markii dooni sidaan oo kale hub ugu  siday dalka Somalia qabteen ciidamada ilaalada badda dalka Australia, waxaana hubkan la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo waddanka maadama la saaray xayiraad dhinaca hubka ah sannadkii 1991.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM