France oo u yeeray safiiradeeda Mareykanka iyo Australia

Image
Paris ayaa talaabadan waxay kaga banaanbaxeysaa heshiis uu garwadeen ka yahay Mareykanka.

PARIS, France - Faransiiska ayaa dib ugu yeeray danjirayaashii u fadhiyay Mareykanka iyo Australia si ay wadatashi ula yeeshaan, arrintaas oo ay kaga soo horjeesteen heshiiska gujiska badda hoosteedda mara.

Australia ayaa Arbacadii ka noqotay heshiis balaayiin doolar ah oo loogu talagalay gujisyada caadiga ah ee Faransiiska. Bedelkeeda waxay la saxiixatay Mareykanka iyo Ingiriiska heshiis iskaashi oo khuseeya amniga badda Indo-Pacific kaasoo ay ka heli doonaan maraakiibta ku hubeysa nukliyeerka ee Mareykanka.

Isagoo ku tilmaamay ka noqoshada "dhaqan aan la aqbali karin", Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in go'aanka dib loogu yeerayo ergooyinka yimid kadib codsi ka yimid Madaxweyne Emmanuel Macron, "waxaa lagu sababeynayaa halista gaarka ah ee ogeysiisyada" ay sameeyeen Australia iyo Maraykanka.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanku ka qoomameynayo go'aanka Faransiiska isla markaana uu sii wadi doono hawlgalka maalmaha soo socda si loo xaliyo khilaafaadka u dhexeeya labada dal.

Australia waxay sheegtay Sabtidii inay sidoo kale ka xuntahay go'aanka Faransiiska, waxayna intaas ku dartay inay qiimeyso xiriirka ay la leedahay Faransiiska ayna sii wadi doonto inay Paris kala shaqeyso arrimo kale oo badan.

Dib-u-yeerida safiiradda Mareykanka iyo Australia, oo ah xulafada muhiimka ah ee Faransiiska, ayaa la rumeysan yahay in ay tahay talaao aan hore loo arag oo lama filaan ah.

Faransiisku wuxuu dhowr sano hormuud u ahaa olole ku saabsan in kor loo qaado xiriirka dhaqaale, siyaasadeed iyo difaac ee gobolka oo ka bilaabma Hindiya iyo Shiinaha ilaa Japan iyo New Zealand.

Midowga Yurub ayaa soo bandhigay toddobaadkan qorshihiisa ku aaddan Indo-Pacific halkaasoo quwadaha aduunka ay si weyn ugu loolamayaan isla markaana ay doonayaan in ay ku yeeshaan gacan-sareyn badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM