Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Image

Kerr County, Texas – Tirada dadka ku dhintay fatahaadihii ka dhashay roobab duufaan wata oo ka da’ay gobolka Texas ayaa gaartay 46 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waxaa la xaqiijiyay in 15 carruur ah ay ka mid yihiin dadka dhintay, halka 27 carruur ah oo kale ay weli maqan yihiin.

Fatahaadaha ayaa si gaar ah u saameeyay xero xagaaga oo Kiristaan ah oo ku taalla Kerr County, meel u dhow magaalada San Antonio. Waxaa la badbaadiyay in ka badan 850 qof, balse gurmadka ayaa wali ka soconaya aagga si loo helo dadka weli la la’yahay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa adeegsanaya diyaarado iyo doomaha gurmadka si ay u sii wadaan howlgallada, iyadoo xaaladda cimilada iyo wadooyinka xiran ay caqabad ku noqdeen shaqadooda.

Mas’uuliyiinta Mareykanka waxay sheegeen in dadaallada ay xooggan yihiin, balse waqtigu uu yahay mid xasaasi ah. Waxaa laga baqayaa in tirada dhimashada ay sii kordho haddii aan si degdeg ah loo helin carruurta maqan.

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM