Fatahaadyo in ka badan 100 qof ku dilay galbeedka Yurub

Image
Image
Image

LONDON, Britain - Daadad ba'an ayaa ku dhuftay qaybo ka mid ah galbeedka Yurub kadib markii roobab aad u xoogan oo da'ay ay keeneen in wabiyada ay kaararadda jabsadaan, sida saxaafadda soo tabisay.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintey Jarmalka. Sidoo kale, 22 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Beljam. Ilaa 200,000 oo guri ayaa sidoo kale waxay wajahayaan koronto la'aan.

Saadaasha ay bixinayaan culimadda ku xeeldheer cimiladda ayaa ah in roobab culus oo badan inay ku soo wajahan yihiin inta badan gobolka maalinta Jimcaha waqtiga Yurub.

Qaar ka mid ah sawirradii ugu xiisaha badnaa waxay ka yimaadeen tuulada Jarmalka ee Schuld, degmada Ahrweiler ee Rhineland-Palatinate, halkaas oo xaalad deg deg ah looga dhawaaqay.

Jarmalka, halkaasoo tirada dhimashadu laga cabsi qabo in ay sii kororto, ra’iisul wasaaraha Angela Merkel, waxay ku baaqday dagaal adag oo ka dhan ah isbeddelka dhinaca cimilada.

Ra'iisul wasaaraha Belguim, Alexander De Croo, ayaa wuxuu ku dhawaaqay 20 July inay tahay maalin qaran oo baroor diiq ah. "Wali waxaan sugeynaa qasaaraha ugu dambeeya, laakiin tani waxay noqon kartaa fatahaaddii ugu xumeyd ee dalkeenu abid arko," ayuu yiri.

Kumanaan ka mid ah shaqaalaha gargaarka iyo askarta ayaa ciidamadda booliska oo shaqadda awoodooda ay ka badatay ka caawinaya dadaallada goobidda iyo samatabbixinta.

Roobab culus ayaa sidoo kale waxay ka da'een Switzerland, Luxembourg iyo Netherlands, halkaas oo tobanaan qof ay ka qaxeen guryahooda sababo ku aadan cabsida fatahaadaha.

Waxyaabo badan ayaa ka qayb qaata daadadka, laakiin jawi diirimaad leh oo ay sababtay isbeddelka cimilada ayaa loo aaneynayaan roobabka biyaha badan ee daadadka horseedaya.

Adduunku horayba wuu u kululaaday qiyaastii 1.2C tan iyo xilligii waxsoosaarka warshaduhu bilaabmay heerkulkuna waa uu sii kordhayaa illaa ay dawladaha adduunka oo dhami ka yareeyaan wasaqeynta hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM