FBI oo digniin soo saartay kahor caleemasaarka Biden

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee FIB ayaa ka digtay in 50-ka gobol ee waddankaas ay ka dhacaan banaanbaxyo hubeysan inta lagu guda jiro caleema-saarka madaxweynaha la doortey Joe Biden.

Biden ayaa lagu waddaa in uu xilka la wareegto 20-ka bishaan Janaayo. Donald Trump wuxuu horey u shaaciyey in uusan kasoo xaadiri doonin.

Dhanka kale, mudaneyaasha Dimuqraadiga baarlamaank Mareykanka ayaa dardargelinaya xeer ay xilka uga qaadayaan Trump, waxaana ay u cuskanayaan dhiiragelintiisa rabshadihii asbuucii hore ka dhacay xaruntooda.

Afhayeenka golaha Nancy Pelosi ayaa sheegtay in hadii madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ku dhaqaaqi waayo xil ka xayuubinta ay talaabadaas qaadayaan isla markaana ay markii labaad jagada ka qaadi doonan Donald Trump.

Trump ayaa haatan ka xaniban dhamaan baraha bulshadda, taas oo ka dambeysay rabshadihii xarunta baarlamaanka oo sababtay geerida shan ruux.

Dadka dhintay waxaa kamid ah sarkaal ka tirsan ilaaladda xarunta baarlamaanka kaasoo dhimashadiisa awadeed hoos loogu dhigay calanka golaha.

Xildhibaano badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Trump in uu is-casilo ama jagada laga qaado, waxaana taageeradaas ay dimuqraadiyiintu siineysaa fursad ay kusii dardargelin karaa damacooda eryida Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM