FIFA oo madaxweyne dooratay

Image

ZURICH- Doorasho ka dhacday dalka Switzerland gaar ahaan magalada Zurich, ayaa loogu codeeyay Gianni Infantino oo u dhashay dalka Switzerland inuu noqdo madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA. 

Infantino oo asal ahaan Talyaani ah, ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada FIFA helay115 ka mid ah 207 oo la dhiibtay, isagoo ka adkaaday Sheekh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, oo u dhashay dalka Bahrian. 

Hogaamiyahan, ayaa guulaystay wareegii labaada, wuxuuna isagoo ka hadlay dareenkiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay xilka loo dhiibay islamarkaana uu wax ka badali doono shaqada xiriirka.

 "Waxaan aad ugu faraxsanahay inaad ii doorataan madaxweynaha FIFA, waxaana rajaynayaa inaan badalo muuqaalka guud ee xiriirka,"Ayuu yiri Gianni. 

Waxaa sidoo kale wareegga labaad ka qeyb galay Ali bin al-Hussein oo u dhashay dalka Jordan oo helay 4 cod, halka Jerome Champagne uusan helin wax cod ah.

 Gianni Infantino, ayaa ahaa xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA. 

Madaxweynayaasha FIFA soo maray iyo waqtiyadooda

1904-1906 Robert Guerin 

1906-1918 Daniel B Woolfall 

1921-1954 Jules Rimet 

1954-1955 Rodolphe W Seeldrayers 

1955-1961 Arthur Drewry 

1961-1974 Stanley Rous 

1974-1998 Joao Havelange 

1998-2016 Joseph S Blatter 

2016- Gianni Infantino

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM