Fumio Kishida: Ra'iisul Wasaaraha Japan oo isku-day dil ka badbaadey

Image
Fumio Kishida, ayaa la galbiyey isagoo bad qaba, kadib markii uu qarax ka dhacay deked uu ku sugnaa.

TOKYO, Japan - Ra'iisul wasaaraha Japan, Fumio Kishida, ayaa la galbiyey isagoo bad qaba, kadib markii Sabtida maanta ah uu qarax ka dhacay deked ku taalla galbeedka dalkaas, sida uu ku warramay telefishinka NHK.

Kishida ayaa booqanayay dekedda Saikazaki ee ismaamulka Wakayama si uu ugu farxiyo musharaxa xisbigiisa talada haya ee doorashada deegaanka.

Qaraxa ayaa dhacay ka hor inta uusan billaabin khudbadiisa. Wax dhaawac ah lagama soo warin dhacdada. Kishida ayaa loo qaaday xarunta booliska ee ismaamulka Wakayama.

Nin la rumeysan yahay in laga shakiyay ayaa goobta lagu xiray. Muuqaallada NHK ayaa muujinayay ciidamo dhowr ah oo lebisan iyo kuwa dhar cad ah oo ku soo ururay ninka, iyagoo dhulka ku riixaya oo dhinac u jiidaya.

Tuhmanaha oo magaciisa aan wali lasoo bandhigay ayaa waxa uu u muuqdaa wiil dhalinyaro ah kaasoo lagu eedeeyay in uu soo tuuray walxaha qarxa, sida ay sheegtay NHK.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay sagaal bilood oo kaliya ka dib markii la dilay ra'iisul wasaarihii hore Shinzo Abe xilli uu khudbad ololihiisa doorashada ka jeedinayay magaalada galbeedka ku taal ee Nara.

Dilkan ayaa argagax galiyay qaranka, waxaana baaritaan kadib lagu helay godad amniga Abe, wuxuuna horseeday in la xoojiyo tallaabooyinka amniga ee booliiska Japan.

Weerarkan u dambeeyay ayaa sidoo kale imaanayaa iyadoo kulamo is daba joog ah oo Kooxda Todobada ah ay bilowdeen usbuucan dhamaadkiisa ka hor shirmadaxeedka May 19-21 ee Kishida uu ku martigelin doono Hiroshima.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM