Gaari uu ka socdey lataliye madaxwayne oo la rasaaseeyay

Image
Serhiy Shefir ayaa badqaba balse waxaa dhaawacmay darawalkiisa oo ku jira xaalad halis ah.

KYVIV, Ukraine - Rasaas ayaa lagu furay baabuur uu saarnaa kaaliyaha madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, dhacdadaas oo sarkaal sarre uu ku tilmaamay "isku day dil".

In ka badan 10 xabadood ayaa haleelay gaariga. Dhacdadan waxay maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Lesnyky, oo qiyaastii 5 KM ama saddex mayl u jirta caasimadda Kyiv.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska dalkaas ayaa waxaa lagu caddeyay in laga gudbiyey dadka laga shakisan yahay dacwad ciqaabeed ayaga oo wajahaya eed ah "dil qorsheysan".

Xildhibaan sare oo matalaya xisbiga Shaqaalaha ee Zelenskyy ayaa sheegay in kaaliyaha, Serhiy Shefir, uusan dhaawacmin. Balse waxaa dhaawacmay darawalka baabuurka.

Shefir, oo 57 jir ah kana hadlin wali dhacdadan, ayaa ka mid ah saraakiisha aadka ugu dhow madaxweynaha, isaga oo hoggaaminaya koox la taliyayaal ah.

“Waxaan si kooban ula hadlay isaga, wax walba waa hagaagsan yihiin, wuu nool yahay waana caafimaad qabaa,” ayuu Davyd Arakhamia u sheegay wakaaladda wararka Ruushka.

Zelenskyy, oo xukunka ku yimid ballanqaad ah inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa, ayaa hadda ku sugan Mareykanka isagoo ka qaybgalaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM