Gaarisa: khasaaraha oo kordhey iyo dhimashada 15 qof oo la xaqiijiyey

Image
Image
Image
Image

April 2, 2015 (GO)- Wararkii ugu dambeeyey weerarka Jaamacadda Gaarisa ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada 15 qof oo ardey u badan.

Wargeyska Daily Nation ee Narobi kasoo baxa ayaa qorey in dhimashadu mareyso 15 qof xarumaha caafimaadkana la gaarsiiyey ku dhowaad lixdan qof oo dhaawac ah.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana weli dhismaha ku jira dableydii weerarka soo qaadey iyagoo afduub u haysta tobannaan qof.

Af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas iyagu ka dambeeyeeen isagoo intaas raaciyey inay afduub u haystaan dad masiixiyiin ah intii muslimka ahaydna ay iska fasaxeen.

Dhanka kale, waxaa goobta ku sugan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Booliska Kenya iyo dhammaan mas'uuliyiinta ugu sarreysa hay'adaha ammaanka.

Rasaas goos goos ah ayaa weli dhaceysa, waxaana dhismaha ku gadaaman ciidamada militeriga Kenya iyo booliska oo is kaashanaya.

September 2013, weerar caykan oo kale ah oo Al-shabaab la beegsatey suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad toddobaatan qof oo rayid u badnaa.

Weerarro kale oo Al-shabaab xilligaas kaddib ka fulisey gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto, waxaa ku dhintey ku dhowaad boqol qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM