Gabadha madaxweynaha Filibiin oo u ordaysa jago sarre

Image
Duterte-Carpio ayaa tartan adag waxay la galaysaa qaar kamid ah saaxiibadda siyaasadda aabaheed.

MANILA, Filipiin – Sara Duterte-Carpio, oo ah gabadha ugu weyn Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Sabtidii shalay waxay gudbisay waraaqaheeda musharaxnimadeeda madaxweyne ku xigeenka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xisbigeeda.

Duterte-Carpio, oo 43 jir ah, ayaa aabaheed ka beddeshay duqa magaalada Davao, kana tirsan xisbi siyaasadeed kale, waxay hore u bixisay farriimo kala duwan oo ku saabsan tartanka, inkastoo ra'yi ururin sannadkan lagu qiimeeyay inay tahay rajada koowaad ee madaxweynenimada.

Waxay u tartami doontaa doorashada May 9, 2022 iyada oo hoos imanaysa xisbiga isbahaysiga ee Partido Federal iyo Lakas-CMD, oo ay weheliso Ferdinand "Bongbong" Marcos Jr., oo xisbiga u dooranaya Madaxweynaha.

Horaantii todobaadkan, Duterte-Carpio waxay ka tanasushay musharraxnimadeeda dib u doorashada duqa magaalada Davao waxayna iska casishay xisbigeeda Davao ee Hugpong Ng Pagbabago.

Dadka reer Filibiin waxay u dareerayaan doorashada sanadka soo socda si ay u go'aamiyaan jagooyinka laga bilaabo Madaxweynaha ilaa gudoomiyaasha, badhasaabyada iyo saraakiisha maxalliga ah. Dalku wuxuu dooranayaa madaxweyne ku xigeenkiisa kahor inta aysan dadka u coddeyn Madaxweynaha.

Duterte-Carpio waxay la dagaalami doontaa murashaxiinta madaxweyne ku xigeenka oo ay ku jiraan saaxiibka dhow ee aabaheed, Senator Bong Go, madaxweynaha Senate-ka Tito Sotto, Senator Kiko Pangilinan, oo qeyb ka ahaa Congress-kii hore ee Walden Bello, iyo Dr. Willie Ong, sida laga soo xigtay CNN Philippines.

Duterte ayaa xilka ka degi doona kadib markii uu xilka hayay lix sano. Waxaa dastuurka Filibiin ka mamnuucaya inuu mar labaad raadiyo. Rajo badan ayuu ka qabaa in gabadhiisa ay guuleysan doonto.

Waxaa ka mid ah dadka u tartamaya jagada madaxweynaha Marcos Jr. - oo ah wiilka lagu muransan yahay iyo magac-bixiyihii kaligii-taliyihii geeriyooday 1986-kii; xidigii hore ee feerka iyo Senator Manny Pacquiao kuwaasoo mucaarad ku ahaa dowladda Duterte.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM