Gabadha madaxweynaha Filibiin oo u ordaysa jago sarre

Image
Duterte-Carpio ayaa tartan adag waxay la galaysaa qaar kamid ah saaxiibadda siyaasadda aabaheed.

MANILA, Filipiin – Sara Duterte-Carpio, oo ah gabadha ugu weyn Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Sabtidii shalay waxay gudbisay waraaqaheeda musharaxnimadeeda madaxweyne ku xigeenka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xisbigeeda.

Duterte-Carpio, oo 43 jir ah, ayaa aabaheed ka beddeshay duqa magaalada Davao, kana tirsan xisbi siyaasadeed kale, waxay hore u bixisay farriimo kala duwan oo ku saabsan tartanka, inkastoo ra'yi ururin sannadkan lagu qiimeeyay inay tahay rajada koowaad ee madaxweynenimada.

Waxay u tartami doontaa doorashada May 9, 2022 iyada oo hoos imanaysa xisbiga isbahaysiga ee Partido Federal iyo Lakas-CMD, oo ay weheliso Ferdinand "Bongbong" Marcos Jr., oo xisbiga u dooranaya Madaxweynaha.

Horaantii todobaadkan, Duterte-Carpio waxay ka tanasushay musharraxnimadeeda dib u doorashada duqa magaalada Davao waxayna iska casishay xisbigeeda Davao ee Hugpong Ng Pagbabago.

Dadka reer Filibiin waxay u dareerayaan doorashada sanadka soo socda si ay u go'aamiyaan jagooyinka laga bilaabo Madaxweynaha ilaa gudoomiyaasha, badhasaabyada iyo saraakiisha maxalliga ah. Dalku wuxuu dooranayaa madaxweyne ku xigeenkiisa kahor inta aysan dadka u coddeyn Madaxweynaha.

Duterte-Carpio waxay la dagaalami doontaa murashaxiinta madaxweyne ku xigeenka oo ay ku jiraan saaxiibka dhow ee aabaheed, Senator Bong Go, madaxweynaha Senate-ka Tito Sotto, Senator Kiko Pangilinan, oo qeyb ka ahaa Congress-kii hore ee Walden Bello, iyo Dr. Willie Ong, sida laga soo xigtay CNN Philippines.

Duterte ayaa xilka ka degi doona kadib markii uu xilka hayay lix sano. Waxaa dastuurka Filibiin ka mamnuucaya inuu mar labaad raadiyo. Rajo badan ayuu ka qabaa in gabadhiisa ay guuleysan doonto.

Waxaa ka mid ah dadka u tartamaya jagada madaxweynaha Marcos Jr. - oo ah wiilka lagu muransan yahay iyo magac-bixiyihii kaligii-taliyihii geeriyooday 1986-kii; xidigii hore ee feerka iyo Senator Manny Pacquiao kuwaasoo mucaarad ku ahaa dowladda Duterte.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM