Gabar ay kufsadeen wiilal la dhashay iyo adeerkeed kadibna gowracay

Image

NEW DEHLI, India - Booliska Hindiya ayaa sheegaya in gabar yar ay kufsadeen adeerkeeda iyo labo wiil oo la dhalatay kadibna ku gowraceen seef.

Aabaheed ayaa kusoo war-geliyay laamaha amniga in uu waayay gabadhiisa 14-kii Maaj, markaasoo ay kasoo laabatay Iskuulka.

Meydka gabadha ayaa laga helay dibada god ku yaalla tuuladda Sagar oo ka tirsan Madhya Pradesh oo dhacda laga soo wariyay.

Inta badan jirkeeda waxaa muuqday dhiig fara badan, taasi oo ka dhigan in ay si wayn u dhiig badan kadib falka kufsiga iyo dilka ee lagula kacay.

Booliska ayaa tuhunsan in gabadha loo fara xumeeyay muran dhinaca dhulka ah oo meel xun gaarey kaasi oo ka dhaxeeyay qoyskaasi.

"Shilku wuxuu dhacay markii gabadha ay kasoo baxday imtixaanka Dugsiga … guri ayaa la geliyay kadibna dil iyo kufsi ayaa loo geystay," ayuu yiri booliska.

Gabdha ayaa la sheegay in iyada oo isku dayday in ay hay'addaha nabad-gelyadda la wadaagto dhacdadaasi uu Abtigeed u goodiyay.

Sarkaal sare oo Booliska ka tirsan ayaa sheegay in labada ruux ee la tuhmayo lasoo xiray, isla markaana ay u gaarsanayaan mid kale.

"Caddeymo ayaanu haynaa..waxaa kufsaday walaalaheed iyo adeerkeeda…waxaan soo xirnay labo, mid ayaan ku daba jirnaa," ayuu Amit Sanghi u sheegay NDTV.

Horaantii sanadkaan ayay ahayd markii nin uu kufsaday gabar yar kadibna uu gowracay markii ay hooyadeed ay ku gacan-seertay in uu guursado, sidda uu sheegay Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM