Gabar Soomaali ah oo London ugu geeriyootay fayruska Corona

Image

LONDON, UK – Nasro Cadde, gabar Soomaali ah oo 25-sano jir ah, ayaa Isbitaalka St George ee caasimadda Ingiriiska ee London ugu geeriyootay fayruska Corona, sidda uu xaqiijiyey qoyskeeda.

Marxuumadda oo qadarta ALLE ay u timid 17-kii April ee sanadkan 2020 ayaa la il-darneyd xanuuno kale. Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, waxay sidoo kale ku nooleed hal kali.

Qoyskeeda fursad uma aysan helin in ay la kulmaan, balse markii ugu dambeysay waxay ku macsalaameeyn xiriirka isgaarsiinta casriga ah ee internet-ka gaar ahaan App-ka loo yaqaano FaceApp.

Walaasheed, Fartuun, ayaa tiri "geerideeda waxay taabatay quluubta dad badan oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira".

Dhamaan dadka wanaaga iyo naxariista u rajeeyay qoyskeeda iyo Nasro ayay sheegtay in ay aad ugu mahadcelineyso.

Alle ha u naxariistee, Nasta oo ku dhalatay Soomaaliya ayaa Britain tegtay iyaddoo 11-sano jir ah, waxayna ku qaadatay waqti badan.

Tan iyo markii uu dilacay Covid-19, Isbitaalka St George waxaa ku dhintay boqolaal ruux oo uu soo ritay xanuunkaas.

Sidda ay muujineyso xog-uruurintii ugu dambeysay, Soomaalida ku dhaqan UK ee cudurka uu galaaftay ayaa kor-u-dhaafaya 50, waxaana kamid ah ra'iisul wasaarihii hore ee qaranka, Nuur Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM