Gabar u dhalatay Pakistan oo la siiyey abaalmarinta nabadda ee Nobel

Image

October 10, 2014 (GO) - Abaal marinta caalamiga ah ee nabada (Nobel Peace Prize) oo maanta (Jimce) la bixiyey ayaa sanadkan 2014 waxaa ku guuleystey Malala Yousafza oo ah  gabar da'yar oo Pakistan u dhalatay iyo Kailash Satyarthi oo isaguna ah Hindi xuquuqda carruurta u ololeeya.

Malala Yousafza waxay soo caan baxday sanadkii 2012, markaasoo kooxda xagjirka ah ee Taliban madaxa ka toogateen kadib markay ka caroodeen olole gabadhaas yari wadey kaasoo ay ugu doodeysey xuquuqda gabdhuhu u leeyihiin inay wax bartaan.

Labadan qof waxaa la sheegay inay abaal marinta ku muteysteen dadaalka ay u galeen joojinta gabood fallada ka dhanka ah carruurta iyo; dhallinayrada iyo weliba xuquuqda carruurta yaryari u leeyihiin inay wax bartaan.

"Guddiga bixiya abaal marinta nabada Nobel wuxuu lagama maarmaan u arkaa in Hinduuska iyo Muslimka, India iyo Pakistan si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaalanka jahliga iyo xagjirnimada..." sidaas waxaa yiri guddoomiyaha gudiga Norwegian-ka ah ee bixiya abaalmarinta nabadda ee Nobel,  ninka lagu magacaaboThorbjorn Jagland.

Abaalmarin lacageed oo dhan 1.1milyan oo doolar ayaa Malala Yousafza iyo Kailash Satyarthi  10-ka bisha December ee soo socota lagu guddoonsiin doonaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

Abaalmarinta Nobel qaybteeda nabadda waxaa horay ugu guuleystey 12 qof oo kasoo jeeda Qaaradda Asia, dadkaasoo badankooda lagu siiyey kaalintay ka qaateen u qareemidda dadkooda iyo nabadeynta dalalka ay kasoo jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday wadahadal toos ah inay Mareykanka la gasho kadib Warqaddii Trump usoo diray

Dhanka kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray farriimo is khilaafsan oo ka imaanayay Iran.

  • Caalamka

    31-03-2025

  • 11:56AM

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

  • Caalamka

    30-03-2025

  • 10:15AM