Gabar u dhalatay Pakistan oo la siiyey abaalmarinta nabadda ee Nobel

Image

October 10, 2014 (GO) - Abaal marinta caalamiga ah ee nabada (Nobel Peace Prize) oo maanta (Jimce) la bixiyey ayaa sanadkan 2014 waxaa ku guuleystey Malala Yousafza oo ah  gabar da'yar oo Pakistan u dhalatay iyo Kailash Satyarthi oo isaguna ah Hindi xuquuqda carruurta u ololeeya.

Malala Yousafza waxay soo caan baxday sanadkii 2012, markaasoo kooxda xagjirka ah ee Taliban madaxa ka toogateen kadib markay ka caroodeen olole gabadhaas yari wadey kaasoo ay ugu doodeysey xuquuqda gabdhuhu u leeyihiin inay wax bartaan.

Labadan qof waxaa la sheegay inay abaal marinta ku muteysteen dadaalka ay u galeen joojinta gabood fallada ka dhanka ah carruurta iyo; dhallinayrada iyo weliba xuquuqda carruurta yaryari u leeyihiin inay wax bartaan.

"Guddiga bixiya abaal marinta nabada Nobel wuxuu lagama maarmaan u arkaa in Hinduuska iyo Muslimka, India iyo Pakistan si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaalanka jahliga iyo xagjirnimada..." sidaas waxaa yiri guddoomiyaha gudiga Norwegian-ka ah ee bixiya abaalmarinta nabadda ee Nobel,  ninka lagu magacaaboThorbjorn Jagland.

Abaalmarin lacageed oo dhan 1.1milyan oo doolar ayaa Malala Yousafza iyo Kailash Satyarthi  10-ka bisha December ee soo socota lagu guddoonsiin doonaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

Abaalmarinta Nobel qaybteeda nabadda waxaa horay ugu guuleystey 12 qof oo kasoo jeeda Qaaradda Asia, dadkaasoo badankooda lagu siiyey kaalintay ka qaateen u qareemidda dadkooda iyo nabadeynta dalalka ay kasoo jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM