Gabdhaha uu dhalay Putin oo lagu soo rogay cunaqabateyn

Image
Tallaabooyinkan ayaa daba socda muuqaal cusub oo muujinaya gabood-fallo ay ciidamada Ruushka ka geysteen Ukraine.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shaqsiyaadka sida aad ka oogu dhow madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin tan iyo markii uu bilawday dagaalka Ukraine.

Xubnaha lagu tuhmayo in ay u dhow yihiin ayaa markasta lagu soo darayey dadka la saarayo cunaqabateynta waxaana hadda ka mid noqday gabdhaha uu dhalay Madaxweyne Putin.

Tallaabooyinkan ayaa daba socda muuqaal cusub oo muujinaya gabood-fallo ay ciidamada Ruushka ka geysteen Ukraine, oo ay ku jiraan sawirrada maydadka dad rayid ah oo daadsan waddooyinka Bucha ee u dhow caasimadda Kyiv.

Ruushka oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin ayaa sheegay in sawirada ay sameeyeen saraakiisa Kyiv.

Sawirada dayax-gacmeedka uu qaaday ayaa muujinaya in dadka rayidka ah la dilay intii ay ciidamada Ruushka maamulayeen magaalada Bucha waxaana arrintan ka hadlay Mr Putin oo ku tilmaamay dhacdada “daandaansi xun oo ay sameynayaan maamulka Kyiv”.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo ka hadlaya dilalkii Bucha ayaa Arbacadii yiri, "Ma jiraan wax intaasi ka yar oo ka dhacaya dalka Ukraine marka loo eego dambiyada dagaal ee waaweyn."

"Wadamada masuulka ka ah waxka qabashada waxyaabaha dhacaya waa inay isu yimaadaan si ay ula xisaabtamaan dambiilayaasha," Mr Biden ayaa raaciyay.

Hadalka Mr Biden ayaa laga dhex fahmi karaa in danbiyo ka waaweyn dilalkii dadka rayidka ah ay gaystaan ciidamada Moscow.

Mareykanka ayaa sheegay in gabdhaha Mr Putin, Katerina Vladimirovna Tikhonova iyo Maria Vladimirovna Vorontsova lagu soo rogay cunaqabatayn sababa la xiriira in ay yihiin caruurta waaweyn ee Putin.

Ms Vorontsova ayaa la sheegay in ay hogaamiso barnaamijyo ay dowladda maalgeliso oo ay balaayiin doolar ka helaan Kremlink-ka dalka. Barnaamijkan ayaa ah cilmi-baarista hidde sidaha waxaana si toos ah u kormeero Mr Putin.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo la weydiiyay sababta Mareykanka uu u beegsanayo gabdhaha Mr Putin ayaa sheegay in Mareykanka uu u maleynayo inay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah hantida aabahood.

"Waxaan haysanaa sababo aan ku aamini karno in Putin iyo qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiisa iyo oligarchs ay hantidoona ku hoos qarinayaan xubnaha qoysaskooda ee hantidooda iyo maalkoodaba uu yaalo nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka," ayuu yiri sarkaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM