Gabdho laga badbaadiyay Boko Haram

Image

Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdho yaryar ah iyo 93 haween, kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi.

Dadkan la haystay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Haram.

Balse militariga ayaa sheegaya inaysan xaqiijin karin in gabdhihii ka badnaa 200 ee laga afduubtay Chibok sanadkii hore inay ka mid yihiin kuwa hadda la badbaadiyay.

Militariga ayaa tilmaamay in la baarayo gabdhaha iyo haween ka kale ee la badbaadiyay.

Balse militariga waxa ay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan in kuwaan aysan ahayn ka dhihii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay Chibok.

Taxaddarka hadda ka muuqdo wararka ay militariga Nigeria soo saarayaan waxa uu yahay in laga fogaado qaladaad horey u dhacay.

Bishii October ee sanadkii hore, dowladda ayaa ogolaatay in heshiis xabad joojin ah ay la gashokooxda si gabdhahii Chibok loo sii daayo, laakiin Boko Haram ayaa arrintaasi diiday.

Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay in seddax xero oo kooxdu ku lahayd keynta ay burburiyeen.

Dhowrkii bile e la soo dhaafay, ciidamada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanadii ay Boko Haram ka talisay.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM