Gandaalo lagu tuuralay Isra'iil

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada Isra'iil ayaa sheegaya in gantaalo ka yimi dhanka Marinka Gaza lagu tuuray dhul banaan oo ay maamulaan balse uusan gaysan wax khasaaro ah.

Dadka jooga goobaha gantaalada lagu tuuray ayaa Yuhuudu xustay inay uga digeen goobahaasi, baaqyana u direen si ay uga soo baxaan.

Gantaalaha la tuuray, waxay dhaceen saacado ka dib markii lix qof oo reer Falastiin ah dileen ciidamada Yuhuuda.

Qalalaasaha ka dhacaya Falastiin ayaa yimi rabshado ka socday maalmihii la soo dhaafay magalada Qudus, kuwaasi oo ka dhashay masaajidka Al-Aqsa.

Jimcihii, ciidamada israa’iil waxa ay sheegeen in askartooda rasaas ku fureen dhanka xuduudda si ay u kala ceyriyaan boqollaal qof oo dhagxaan tuurayay taayero gubayay, ka dib markii Yuhuudu diiday inay salaada Jimcaha ku tukadaan masaajidka dadka da'doodu ka yartahay 49 sano.

Madaxa ururka Xamaas, Ismail Haniyeh, waxa uu sheegay kacdoonku soo socday.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM